|
Somaliland Forum: Is Casilaad
09/03/10
Asalaamu Calaykum
Aniga oo ah Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo ka tirsan Gudida Dhexe (EC) ee Ururka Somaliland Forum, ahna Xoghayaha Ururkaas Somaliland Forum waxaan iska casilay Xilkii Xoghayanimo ee Ururka Somaliland Forum laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 09/03/2010.
Sababta aan iskaga casilay xilka aan u hayay Ururka Somaliland Forum waxa uu la xadhiidhiidhaa iyada oo uu dhawaan Xisbiga Qaranka ee UCID uu iga codsaday inaan u qabto Xilka Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbigaasi UCID, taasoo aan aqbalay inaan xilkaas u qabto Xisbiga UCID.
Hadaba si loo ilaaliyo dhexdhexaadnimada Ururka Somaliland Forum oo dalkeena iyo dadkeena qiimo weyn ugu fadhiya, isla markaasna Xubnaha Ururka Somaliland Forum ay habeen iyo maalinba yihiin qaar ka shaqeeya danta Qarankooda ee gudo iyo debadba iyaga oo u shaqeeya hab dhexdheaaxdnimo ah, iyada oo ay lagama maarmaan tahay in Ururku uu mar walba ku socdo tubta dhexdhexaadnimadiisa ee ku salaysan ujeedada qotodada dheer ee ururku higsanayo oo ah in ay shacbiga reer Somaliland gaadhaan yoolkooda ah inay helaan Dawlad Madaxbanaan oo Caalamku Aqoonsan yahay oo horumarsan.
Iyada oo arrimahaas aan kor ku xusay aan maanka ku hayo ayaan go´aansaday inaan Xilkii Ururka Somaliland Forum iska casilo, sidoo kale waxaan iska casilay Gudi hoosaadyada ururka ee aan ka tirsanaa isla maanta.
Aniga oo fursadan ka faaiideysanaya waxaan halkan Hambalyo kal iyo laab ah iyo mahadnaq balaadhan uga gudbinayaa dhamaan Xubnaha Somaliland Forum meel kasta oo ay dunida dacaladeeda kaga nool yihiin, waxaa kale oo aan sidoo kale u mahadnaqayaa Gudiga Dhexe ee Ururka Somaliland Forum iyo Gudoomiyaha Ururka sida wadaniyada, sharafta iyo xilkasnimada leh ee ay iila shaqeeyeen mudada aanu wada shaqaynayay, iyo waliba mudada dheer ee aan Ururkaas ka tirsanaa, waxaanan u rajaynayaa inay halkaas kasii wadaan hawlaha balaadhan ee ay u hayaan qarankeena.
Mahadsanidin
Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID
|