![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Hargeysa: Magaalo Ay Ganacsatadeedu Cunaha Qabteen Kaaryoonlayaashii Ka Dhex Shaqaysan Jiray Iyo Duruufaha Nololeed Ee Wakhtiyadan Danbe Ku Gedaaman (Hadhwanaagnews) Tuesday, March 09, 2010
dhaqankan ayaa galaafanaya ama aan dan u ahayn nolol maalmeedka qoysas dan yar ah, oo ku xidhnaa muruqa hurin rag ah oo aroortii u soo jarmaada ama u soo kalaha dhinaca suuqa. dhinaca kale dadka macmiisha la ah bakhaarada iska leh baabuurta ayaan garaynin gaadhiga alaabtooda soo qaadaa inta uu lacag ah ee uu ka qaado, Cismaan Jaamac waa mulkiilaha tukaan ku yaala xaafada Jigjiga yar waxaanu shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews u sheegay in aanu garanayn lacagta laga qaadaa inta ay le´eg tahay waxaanu yidhi "Gaadhiga waa naloogu soo raraa uun laakiin ma garanayno lacagta nalaga qaadaa inta ay le´eg tahay" ayuu yidhi. si kastaba ha ahaatee arrimahan cusub ee ay la soo baxeen ganacsatada bakhaarada raashinka ku leh magaalada Hargeysa ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay mid cunaqabatayn ah, waxaana sidaas qaba Da´ud Cali oo ay da´diisu tahay 50 jir, kuna xoogsada kaaryoone waxaanu yidhi "Tan iyo intii dalka dib loogu soo laabtay waxa aan ku shaqaysan jiray Kaaryoone, waxa aanu heli jirnay nolol maalmeed nagu filan laakiin, laakiin iminka wax waliba way iska yaraadeen ka dib markii ay ganacsatada iska leh bakhaaradu ay wax ka bedeleen sidii hore ee ay u shaqayn jireen isla markaana ay soo iibsadeen gawaadhi yaryar oo ay meel walba ku geeyaan” ayuu yidhi gabi ahaanba ganacsatada bakhaarada ayaan ogolayn in ay cidiba ka daba faa’iido waxaanad meelaha qaar ku arkaysaa bakhaar iibinaya kiish ilaa rufuc, hadana isagu kiilo-kiilo u xidhxidhaya noocyada raashinka uu hayo, waxaana arrintaas faahfaahin inaga siinaya Muuse Cabdi oo tukaan ku haysta xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa “Mar-mar ayaan is idhaahdaa tukaankaba ma iska xidhaa, waxa aad walaal arkaysaa bakhaarkii aad raashinka ka soo iibsatay oo dadkii u xidhxidhaya kiiloo sonkor ah, mid bariis ah iyo kii daqiiqda ahaa, walaahi ilaa shaahii ayuu boqol-boqol u xidhxidhaya” ayuu yidhi. Magalada Hargeysa oo ah caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sanadihii u danbeeyay ay ku soo badanayaan ganacsiyada kala duwan, mana jirto qorshe cad u meel yaala xukuumada ama kala xadaynaya ganacsiga. Najax Aadan Cunaaye Hadhwanaagnews Hargeysa/Somaliland Kurtin1982@hotmail.com Submit by:-Husein-Dhuux |
|||||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||