Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag



Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xisbul Islaam oo maanta lagu dilay suuqa bakaaraha iyo dareenada ku xeeran

(Hadhwanaagnews)  Tuesday, March 09, 2010

Muqdisho (HWN)Sarkaal ka tirsan ururka Xisbul Islaam oo qaabilsanaa dhinaca dagaal gelinta maleeshiyaadka Xisbiga ayaa barqanimadii maanta lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Barre Cali Barre oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa dilkiisa geystay kooxo hubeysan oo wejiga soo qarsaday, kuwaasoo madaxa rasaas kala beegsaday Sarkaalka iyadoo ilaalo labo ahayd oo sarkaalka la socotayna ay ka carareen sarkaalka iyagoo aan difaac iyo iska cabin u samaynin.

 

Kooxaha dilkaas geystay oo aan la aqoonsan ayaa ka baxsaday goobta markii ay dilka geysteen kadib, waxaana meydka sarkaalka la geeyay Guri uu ka deganaa suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

Ma jirto cid sheegatay dilka sarkaalka Xisbul Islaam, inkastoo maalmahanba ay jireen xurguf u dhexeysay Xarakada Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo marar badan warbaahinta isu mariyey eedeymo.

 

Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii Sarkaal ka tirsan ciidamada Al-shabaab lagu dilay isgoyska Sanca degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho, dilkaasoo aan la ogeyn cidda geysatay.

 
C/raxmaan Dalmar
Hadhwanaagnews
 
<muqdishonews@gmail.com>   

Submit by:-Husein-Dhuux

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comGabooyenewsQarannews.somalidiasporanews.com/SomaliPCtogahererwww.aminarts.com

©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca