Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag



Wafti Isugu Jira Ha´adaha Calamiga ah iyo Wasiiro Oo Maanta Gaadhay Degmada Allaybaday‏

(Hadhwanaagnews)  Tuesday, March 09, 2010

Badhasaabka gabiley iyo kuxigeenkiisa
Allaybaday(HWN)_Maanta waxa Allaybaday soo gaadhay wafti balaadhan
 oo uu hor kacayay Wasiirka Ganacsiga JSL Abiib Xasan Filfil, waxa kale
 oo Wasiirka safarkan ku waheliyay Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed
Axmed Xabiib, Badhsaab kuxigeenka C/risaaq Sh Aadan Cali, Maayarka
 Gabiley Aadan Bade iyo qaar kamid ah haayadaha caalmaiga ah iyo kuwa
 wadaniga ahba..


 
Wasiirka oo Saxaafada u waramaya
Waftigan oo ay ujeedadiisu ahayd in uu qiimayn(assessment) ku sameeyo
 dhibaatooyinkii ay gaysteen roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay
 deegaanka allaybaday.kuwaasi oo khasaare balaadhan gaadhsiiyay
 kaydadkii ama balayadii waawaynaa ee biyaha u kaydin jiray deegaanka
allaybaday, iyo dhulbeereedkii looga faa’iidaysan jiray wax soosaarka,
Meherado Ganacsi iyo Guri xaasyo, iyo iyaga oo dadkii daadadku
 baraciyeen u siday bacaha roobka lagagalo oo gaadhaya 40 bacood, 300
 kiish oo galay ah, 60 kartoon oo saliid ah iyo saabuun 3 kartoon
 saabuun ah.

 
ugu horayn waxa halkaasi waftigaasi warbixin kusiiyay Gudoomiyaha
 Degmada Allaybaday Xasan cabid Cali ( Shahar) isaga oo Gudoomiyuhu
 sheegay in ay daadadkaasi waxyeeleeyeen 114 balay,456 qoysna ay ku
 bara kaceen,155 neef oo lo´ ahina qaaday iyo adhi gaadhaya 500 neef,
 61 engine iyo dhamaan qalabkii beeraha lagag shaqaynayay.

 
intaasi kadib waxa ay si guud usoo wada mareen Magaalada gudaheeda
 waxayna soo arkeen Goobo ganacsi iyo guryo ay baabiiyeen daadadkaasi
 kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Bakhaaro, Tukaano, Bacadlayaal, iyo
 Guryihii ay dadku daganaayeen, oo uu qaarkood dumayay qaarna wixii
 dhexyaalay uu qaaday, Waxa kale oo ay si wada jir ah usoo arkeen
 buundooyinkii magaalada soo galayay iyo kuwii gudaha magaalada oo uu
 baabiyay daadku sidda buundadii isu xidhaysay Ethiopia iy Somaliland
 oo ay adagtahay sidda imika laba daamood loogu kala gubo halkaasina
 waxa ay ku arkeen baabuur badan oo ku xayiran,
 
Ugu danbayntii waxa ay kulan ku qaateen Xarunta Maamulka degmada
 Allaybaday halkaasi oo ay ka sheegeen in ay sidda ugu dhakhsaha badan
 waxa uga qaban doonaan,Hadaba Haayadahan ayaa iskugu jiray Haayado
 Caalamiya kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Unicef, UNCR, FOA,WFP, UNDP,
 kuwa wadaniya iyo Madax sar sare oo ka socotay laamaha dawlada.

 Ismaacil Cabdi Muxumed( Hilqad)
 Allaybaday, Somaliland

Submit by:-Jamaal-Halkaraan

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comGabooyenewsQarannews.somalidiasporanews.com/SomaliPCtogahererwww.aminarts.com

©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca