![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Tababare Ango oo Hadhwanaag lasoo xidhiidhey Shaaciyayna in uu ka fadhiistay Xirfada Ciyaaraha, Dhaliilo is barkana u soo jeediyay Xidhiidhka Kubada C (Hadhwanaagnews) Tuesday, March 09, 2010
siciid ango oo soo tababaray kooxo badan oo heerka labaad iyo sadexaadba leh ayaa mudadii uu ku soo jiray guulo badan ka gaadhay soona saaray ciyaartoy badan. hadaba siciid ango oo si gaar ah ula soo xidhiidhay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa sheegay in la soo gaadhay xiligii uu soo gabagabayn lahaa tababaranimada. waxaa kale oo uu siciid ango ka mid ahaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee soo mara dalkeena jamhuuriyada soomali land siciid waxaa lagu xasuusan doonaa isku xidhkii kooxaha daan kasta ha kala joogaane isagoo ah shakhsi aan aqoon qabyaada waxaa taa cadaynaya kooxuhu soo tababaray waxay kala dhisnaayeen shanta degmo ee caasimada hargeysi ka kooban tahay waana shaqsi aad dhalinyaradu ugu qiimeeyaan aqoontiisa tabaranimo waxaa uu sheegay inuu soo tabaray ku dhawaad labaatan kooxood kooxahaa oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen saxansaxo tayasiir tawakal soyro halgan ugu danbayntii waxaa salaan u diray ciyaartoygii sanadkii dhawaa ka tahriibay oo uu sheegay in ahaayeen ciyaartoygii ugu fiicnaa ciyaarihiina ay baaba een markay ka tageen isagoo si gaara u amaanay ciyaartoyga kala ah badri .haaruun .jacfar.shaakir soofe.idiris baashe.cabdirixiinxayle..maxamed juro.siciid saalo.maxamuud garabey.maxamuud xasan.cabdi janale. khaalidnaysha.gabal iyo jaamac waxaa kale oo uu tacsi u diray maxamed cabdi oo isna geeriyooday oo mid ahaa ciyaaryahanadii tahriibay siciid ango waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay sida ay hawlaha u wadaan xidhiidhka kubada cagta isaga oo dhaliil baahsan u soo jeediyay, Hadhwanaagnews Hargeysa.Somaliland Submit by:-Husein-Dhuux |
||||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||