![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Guddida Doorashooyinka Somaliland,oo ka hadlay kaadhadhka cusub ee ay samaynayaan, ee lagu gelayo doorashada dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoonto (Hadhwanaagnews) Tuesday, March 09, 2010
Hargaysa-(HWN)- Afhayeenka gudida doorashooyinka qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo shir jaraa´id maanta ku qabtay hargaysa ayaa waxa uu sheegay in muddo laba todobaad ah ay ku hawlanaayeen dhisida gudiyada gobolada iyo degmooyinka ee komishan doorashooyinka, taasina ay hada soo dhamaystireen.Waxaana uu intaasi raaciyay inkasta oo ay jireen khaladaad yar yar oo soo baxaayay, hadana gudiyada ay dhieeen ay isla qaateen iskuna waafaqeen axsaabta qaranka.
Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in kaadhadhaka cusub samayntooda ay iyagu xaq u leeyihiin komishan ahaan, isla markaana ay kala tashadeen Wasaarada arimaha gudaha iyo xisbiyada qaranka, waxaanu xusay in kaadhadhkaas la siin doono dadka ku soo baxa liiska saxda ah ee kala shaandhaynta dadkii isdiiwaan geliyay. ujeedada ay kaadhadhkan u samaynayaan inay tahay si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah, waxaanu tilmaamay in taasi daruuri noqotay. Waxaana samaynta kaadhadhkan tartan u galey ayuu yidhi shirkado ay ku jiraan kuwo somaliland laga leeyahay, hase yeeshee ay ku guulaysatay shirkad laga leeyahay dalka South Afrika oo lagu magacaabo Face Technology.
Waxaanu afhayeenku intaasi ku daray in ay samayn doonaan wacyi-gelin la xidhiidha si dadku fahmaan qorsha cusub ee lagu bedelayo kaadhadhka cod-bixiyayaasha.
Afhayeenku mar uu jawaabayay wakhtiga ay doorashadu dhacayso,ayaa waxa uu tilmaamay in rajaynayaan inay noqoto sanadkan 2010, inkastoo aanu cadayn bisha ay noqonayso.waxaanu xusay in kaadh samaynta lafteedu qaadan doonto mudo bil ah, isla markaana aanay dib u dhigi doonin doorashada.
Safiya Cali Yuusuf
Hadhwanaag Media
Hargaysa/Somaliland Submit by:-Saphia |
|||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||