Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag



Silsilad Maanseedka Aliflay- Silsilad Ku Saabsan Aragti Diini ah oo lagu kala tegay.‏

(Hadhwanaagnews)  Tuesday, March 09, 2010

Silsilad-maanseedka Aliflay

Sisilad-
maanseeddan Aliflay waa silsilad-suugaaned ka mid silsilad-suugaaneedka laga curiyay maansada Soomaaliyeed ee ay ka qaybgaleen abwaannada Soomaaliyeed, inta badan abwaannada Soomaalidu waxa ay isku maandhaafi jireen, ku xafiiltami jireen, isuguna maansoon jireen mabaadi ay ka mid yihiin qabyaalad, siyaasad, waddaniyad iwm, laakiin silsilad maanseedkan Aliflay waa silsilad ka duwan kuwaas hore, waana silsilad abwaannada ka qaybgalay ay ku kala aragti duwan yihiin feker-diineed, waxaaney noqon doontaa silsiladdii koowaad ee ay abwaanno Soomaaliyeed isugu yimaaddaan iyaga oo ka dhiibanaaya afkaartooda diiniga ah.

 

Haddaba waa su’aal ee sidee ayay ku bilaaban tay silsiladdani? Maxaase sababay ibo-furanka silsiladan? Maxaase la isku hayaa?

 

1980aadkii, sida ay dad ay dad badani ka warqabaan, Abwaan Cabdi Aadan Qays, waxa uu soo saaray cajalad qasaa’id ah oo la magic baxday “Awliyo Allaay adeeg”, cajaladdaas heesaha qasaa’idka ah ee ku jiray waxa ka mid ah heestan uu Cabdi-Qays baaqa ugu dirayo dad uu ku tilmaamay awliyo, oo ay tiradooduna tahay ku dhawaad 70 qof. Cabdi-Qays waxa uu dhammaan dadkaas uu ku tilmaamayo awliyada oo ah dad dhintay u dirayaa farriin ah in ay adeegaan, waxaana heestaan sadaradeeda ka mid ah kuwan:

 

 


 

Cabdiqaadiroow

Calan awliyaadoow

Isaxaaqa cidhifkiyo

Badda ceerigeedoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Cashiiradii Nebiga iyo

Cabdilaahigii dhalay

Iyo Cabdulmudalib iyo

Cadki uu ka soo go’ay

Sayid-Caliyo Faadumo

Cashiiradii rasuulkaay

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Abuubakar Sidiiqoow

Cismaan binu Cafaanoow

Cumar binu Khadaaboow

Caalimiinti diintee

Caabiyay kufaartoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Caydaruuska Cadan yaal

Kii caano iyo nabad

Cirku uu u da’ayoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Sheekh Aweyska ciiddiyo

Cisho xaramka loo baxay

Laga celiyay Xaramkee

Nebigii cuskaday

Cududii rasuulkee

Nebi lagu casuumoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Suufiga cawaranee

Xamar cidhifyadeediyo

Ciideeda yaalloow

Muqidishiyo colkiisiyo

Ciidankiisi wada jiray

Wuxuu carrabka saaraba

Caddaan loo arkaayoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Laba Maxamed iyo Cumar

Cayngal iyo Saylici

Xabaashii Bustaaliyo

Sheekh Cabdicasiisoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Barkhadkii caddaystee

Cirirkuu Bacayr waday

Dhulka cidhif la gooyee

Caynaanshay diintoow

Ceelkii Hargeysiyo

Madar cuurta yaalloow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Sheekh Cali Bahaa iyo

Sheekh Axmed Cafaanoow

Caarifiinti diintee

Cali Beyle iyo Nuur

Sheekh Yuusuf Geelloow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Sheekh Cabdisalaan iyo

Cali Guure iyo Nuux

Iyo Cabdi Ayuub iyo

Culimadi Galbeedkaay

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Sheekh Maxamed Caliyoow

Axmed Sacaadadiinoow

Sheekh Maxamed Siraadoow

Xamsaa cawska yaalloow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Sheekh Cabdiraxmaanoow

Cismaan iyo Muxumed iyo

Culimadeeni diintaay

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Markii la is cartooyee

Isu faantay culimadu

Abaadirkii calaamada

Cumaamadiisu noqotoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Libaaxii cartamayiyo

Daahirkii carceeroow

Caalimkii Barkaan iyo

Maamiyo Kabiir-Cumar

Cindad iyo Xujaaloow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Cabdilaahiyoow

Sheekhii carceeree

Culimada u mudnaayoow

Axmed Sheekh Cismaanoow

Xaaji Cilmi Nuuroow

Sheekh Maxamed Ciisoow

Cabdilaahi Qudubiyoow

Ceeleeye Waliyoow

Curad awliyaadoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Cismaankaasi dibintiyo

Cabdiraxmaani Saylici

Burci iyo colkiisii

Axmed Sheekh Cusuliyoow

Caashaqiinti diintaay

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Yuusufkii carceeree

Waxar laga cisaayayoow

Cawo reemadkii iyo

Cabdilaahiyoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Shukrigii cibaadada

Caanka ku ahaayee

Cisigiyo wanaagiyo

Cawil-naq Alle siiyoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Yuusufkii ku caanbaxay

Xeebaha cartamayiyo

Cilmigiisa Sheekhii

Ciid lagu tilmaamoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Sheekh Cumar Azhariyoow

Cumar Maarisoow

Sheekh Cumar Bartiiboow

Ina Macallin Cumaroow

Colki Sheekhu keeniyo

Sheekh Cumar Warfaayoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Jiilaal Cismaanoow

Muftigii carceeree

Cilmigiyo aqoontaba

Caadil uu u dhiibee

Caashocad degaayoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Nin cadaawe helayoo

La cidhiidhi geliyaa

Alle laga cabsoodiyo

Awliyaduu cuskadobay

Caymataa naftiisuye

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Inaan caynku noo go’in

Oon cudurku nagu dhicin

Caafimaadku naga lumen

Caydhi naga fogaatoo

Cadaawuhuna naga rayn

La-cuskade Ilaah iyo

Nebigeena culus iyo

Caabidiinta raacdoow

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 

Caynaanadiinaan

Anna soo cuskanayaa

Waa cabasho heestuye

Waa culustihiine

Awliyo Allaay adeeg

 


 

“Kuwa nool ergo u diro”

Axmed Aw Geeddi Maxamuud “Dheeraad”

 

Haddaba muddo ku siman dhawr iyo toban sanno kadib markii uu Cabdi-Qays cajaladdaas heesaha ah ee uu soo saaray, ayaa waxa Cabdi-Qays wareysi kala yeelatey laanta Afka Soomaaliga ku hadasha ee Idaacadda BBC-da, waxaaney wareysi kala yeelatay qasaa’idkaas iyo gabayo kale oo uu sameeyay oo uu habeenkaas tiriyay.

 

Cabdi-Qays waxa uu dooddiisa ku dhaabadeeyay in aan Ilaahay toos loola xidhiidhi Karin ee Awliyada loo sii marayo, qof kastana ay waajib ku tahay in uu Sheekh qabsado si uu Ilaahay ugu geeyo. Laakiin inctiqaadka noocaas ah waxa Cabdi-Qays ku inkiray Axmed Aw Geeddi oo ku dooday in qof kastaaba Ilaahay toos ula xidhiidho, waxaanu ku jawaabay maanso uu magaceedu yahay “Kuwa nool ergo u diro”.

 

Markii uu Axmed maansadaas tiriyey, waxa uu maansadii ku qoray Wargeyska Jamhuuriya, oo ah Wargeys maalinle ah oo madax-bannaan oo ka soo baxa magaalada Hargeysa, waxaana u jawaabay rag kale oo la aragti ah Cabdi-Qays, sidaas ayaanay ku bilaabantay silsilad-maanseedka Aliflay. Waana tan maansadii

Kuwa Nool ergo u diro ee uu tiriyay Axmed Aw Geeddi Maxamuud “Dheeraad”

 


 

Nin ilaah ka maarmaa

Odayaal xijaabtiyo

Awliyo u yeedhoo

Qabri ku ag wareegee

 

Alle kaliya weeyaan

Cirka kii abuuroo

Alle kaliya weeyaan

Dhulka kii asteeyoo

Alle kaliya weeyaan

Ka arsaaqda bixiyaa

Alle kaliya weeyaan

Ka addoomo loo yahay

 

Ma ilaah kalaa jira

Duco kaa ajiiboo?

Ma ilaah kalaa jira

Baryo kugu arsaaqoo?

Ma ilaah kalaa jira

Nolol kugu ilaashoo?

Ma ilaah kalaa jira

Ajashaada siiboo?

Ma ilaah kalaa jira

Uur kugu barbaarshoo?

Ma ilaah kalaaa jira

Anfaaciga ku siiyoo?

Ma ilaah kala jira

Oo addoomo loo yahay?

 

Taasi waa andaad iyo

Ishraak iyo asnaam aad

Ilaahay u yeeshaye

Ashahaado soo celi

 

Ka nasahan Ilaahay

Aw’ loo wakiishee

Kuwaad uubatayneed

Noo adeega leedahay

Inay olol Jaxiimiyo

Edeg naara joogaan

Iyo inay janada udug

Xuural cayn arooseen

Sideed uba ogaatood

U heshaa akhbaartaa?

 

Aakhiro ma taarbaa

Adi kuugu xidhanoo

Qeybkaad ogsoon tahay?

Lafo uu aboor cunay

Ninka oohin maqashii

Af muggii la yeedhoow

Ambad baad tahee toos

 

Addoon dhaadhacoo tegey

Iilkiyo xabaalaha

Inkastood u yeedhood

“Ohow toosa” leedahay

Ku ajiibi maayoo

Abid kuma maqlaayee

Alle haysa seegina

 

Duubi ciid ku aasmoo

Awaaraha ku raagoo

Qabri lagu illaawiyo

Mayd lama ilaaqee

Kuwo nool ergo u diro

Iyagaa awood lehe

 

Wuxu yidhi abwaan hore

“Nabigoo ayaan qudha

Inta uu xabaal tegay

Xawaal-gees istaagoo

Oo yidhi awoowoow

Nasri adigu noo hidi

Ilaahbaan ku dhaartee

Inaan axadna sheegine

Intaan mawd idiin iman

Xaqa maa abaartaan?

Miyaydaan aqoon diin

Andacood ma fiicnee?”

 

Anna waxaan ku darayaa

“Wixii kaa ishkaal gala

Halaguu iftoodee

Culimada usuushiyo

Aqoonyahanka weydii”

 

Hadday duulal aasani

Inoo hiilin karayaan

Uxud iyo Xunayn iyo

Asaayii Tabuuk dhacay

Mabay dhego adkaadeen

 

Hadday duulal aasani

Inoo hiilin karayaan

Khandaqii adkaayee

Lagu oofa beelay

Jigneyaal af badan iyo

Agab keeni laayeen

 

Hadday duulal aasani

Inoo hiilin karayaan

Yuhuud baan ka oriseen

Aqsa degaladeedoo

Abiibakar Sidiiq iyo

Xafsa aabeheed iyo

Calaa soo ekeyn laa

Weerar lagu idlaadoo

Khaalid baan ka oolleen

Arrimaha jihaadkoo

Asxaabtii Rasuulkaa

Adduunyada dhamaanteed

Afarteeda waaxood

Ololaha ka shabin laa

Awliyadu ma dhimatiyo

Arbacay kulmaan iyo

Islaamaha ku badawsada

Waxaan Diintu nagu odhan

 

Inta geed magooliyo

Abuurka iyo dhuuniga

Ilaah baa na siiyoo

Axad kale ma tuugnee

Isagaa na kaafiya

 

Nimcoolayda adhigiyo

Ishinkiyo lo’da badan

Ilaah baa na siiyoo

Axad kale ma tuugnee

Isagaa na kaafiya

 

Neecawda udugiyo

Carfigiyo il-dooga leh

Ilaah baa na siiyoo

Axad kale ma tuugnee

Isagaa na kaafiya

 

Dhaayaheena aragiyo

Dhugashada iftiinshee

Dhegta maqal adeecdee

Durbaanada awooda leh

Rakaadadu abhinayaan

Dibno jira odhaahdiyo

Carabkoo aglooloo

Ereyada sameeyaba

Ilaah baa na siiyoo

Axad kale ma tuugnee

Isagaa na kaafiya

 

Eebboow ma aan arag

Sida ay u eegtiyo

Aakhiro rugteedee

Adigaa "rumee" yidhi

Anna waan adeecee

 

Rabboow adiga mooyee

Alle kale ma uu jiro

 

 

Eebboow ma aan arag

Ololka iyo naartiyo

Albaabada saciiree

Abeesadu u hoyatee

Adigaa "rumee" yidhi

Anna waan adeecee

Ha i gayn Allahayoow

 

Eebboow ma aan arag

Ilihii Naciimiyo

Uduga iyo raaxada

Carfigiyo il-dooga leh

Sida ay u eegtee

Adigaa "rumee" yidhi

Anna waan adeecee

Hayga qadin Allahayoow

 

Eebboow ma aan arag

Malaaiigta amarkiyo

Cibaadada adkeysee

Adigaa "rumee" yidhi

Anna waan adeecee

Ha i goyn Allahayoow

 

Eebboow ma aan arag

Jinka madaxa adag iyo

Ibleyskii riddoobee

Amarkaaga diidee

Adigaa "rumee" yidhi

Anna waan adeecee

Ha i raacin Eebboow

 

Keligii Ilaahoow

Axadka i ba


Submit by:-Abdisalaam-Abuhurayra

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comGabooyenewsQarannews.somalidiasporanews.com/SomaliPCtogahererwww.aminarts.com

©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca