(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 09, 2010
Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Waqooyiga Ingiriiska ee Xisbiga Kulmiye, ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo, hadal ka soo yeedhay Cismaan Hindi oo uu ku dhaliilay xisbiyada mucaaradka ah ee Ucid iyo Kulmiye. Guddoomiyaha oo daba jooga hadalkaas oo nuxurkiisu ahaa in ay tahriibinta dhalinta ay masuul ka yihiin, gubaabinayaan ama ay dhiirigelinayaan xisbiyada mucaaradka ah.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ee Waqooyiga Ingiriiska ee Xisbiga Kulmiye “ Waxaa ayaan-daro ah, in xukuumadii ku eedayso dhalinyarada in ay xisbiyada mucaaradka ahi ay tahriibiyaan dhalinta, waa fal-danbiyeed u baahan horta in ay hay’adaha sharciga ah ee ay khusaysaa ahayd in ay baadhisteeda sameeyaan. Maadama oo aanay dhicin midaasi, dhicina doonin, waxaan qabbaa hadalkaasi in uu la mid yahay, Kulmiye waa Al-shabaabkii hore uga soo yeedhay, waxaana ayaan-daro ah in maalin walba, wax qaranimada wiiqaysa oo aad looga xishoodo uu ku hadlo Cismaan Hindi.”
Guddoomiyaha oo sii wada hadalka ayaa yidhi “ Annaga ayaa dhalinyaro ah, waxaana u sheegayaa in aanu Yurub joogno weliba, maalin walba ay halkan noogu yimaadaan dhalinta soo tahriibtay, intooda badbaaday, annaga ayaa ka jawaabi karna waxa keena tahriibta, annaga ayaana og, waxa sal-guurkaas keenaya, waa haddii Cismaan Hindi iyo xukuumada magacawoday ay dhagaysanayaan dhalinta iyo xaqiiqada jirta.”.
Guddoomiyaha oo sii wada hadalkiisii ayaa yidhi “ Cismaan iyo qayrkii ha ogaadaan, in wasiir-kastaa mushaharkiisa annaga oo og, waa mushaharka u sharciyaysan, haddana ay mid walba sadex ubadkiisii ah ay Jaamacado kaga jiraan dibadaha sida Malayshiya iyo Ugandha. Bal ummadeey idinka ayaan idiin dhiibayaaye marka waxbarashadii la horumarin waayey, Jaamacadihii qaranka iyo kuwii dalkaba loo aamini waayey ubadkii masuuliyiinta qaranka, caafimaadkii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo wasiiradiiba dibada u doonteen. Marka wiilka xanuunsada ee wasiirku dhalay dibada dhakhtar ku leeyahay, aabihiina aanu la iman wax aduun ah dalka, ama Sidaas Cismaan qurbaha waxba ka qabsan waayey, haddana hantidii loo fasaxo in ay boobaan, dhalinta maxaa u talo ah. Iyaga ayaa tahriibiya dhalinta, waayo dhalintu dalkii ay ku noolaan lahaayeen ayay aboor ku noqdeen”.
Weliba isaga oo si gaar ah u tilmaamaya Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada North England in xittaa Madaxweynaha ubadkiisii ay waxbarashada dibada loo geeyey wuxuu yidhi “ Waxaa loo baahan yahay in sida hoggaamiyayaasha loo dhaqmo xukumadeey, Maxamed Cali Janaax, gabadh qudha ayuu lahaa, wuxuuna kaga tegey Hindiya, markii la kala jarayey labada dal ee Pakistaan iyo Hindiya. Waxaan uga socdaa waa in qofku wadani dhab ah noqdaa, wuxuu uga tegey Maxamed gabadhiisa, waxa ay ahayd, masuuliyada uu qaaday in uu ka dhabeeyo oo ubadka kale ee reer Pakistaan wax u qabto, inantiisana halka ay jeclaatay ugaga tago. Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ayaan leeyahay sidaas yeela, ubadka aad masuulka ka tihiin u hura hantida qaranka ee aad ubadkiina ku gaar yeesheen, haddii kale dhalinta silicaas ayaa haynaysa iyo tahriibtaas joogtada ah.”
Wuxuu u soo jeediyey dhalinta “ Cismaan Hindi iyo qayrkii waad ogtihiin in aanay dan idiin hayn, lexejeclo idiin muujinayn, waxa u u joogaa meeshana ay tahay cayda birmaygayda inoo soo hurtay naftooda iyo maalkooda, innala soo wadaagtay innaga iyo aabayaasheen dhibtii qadhaadheed. Fadlan ka furaysta wasakhda uu saydhayo dhegaha, una codeeya Kulmiye.
Kuwiina dibada joogaana halgankaas socda, shuftadaas dalkeenii innaga soo qaxiyey ee dhiig-miiratada ah aynu xoolaha u hurno iyo wakhtigaba, sidii aynu u eryo lahayn, si nabadgelyo ah.”
Wuxuu ku soo koobay warsaxafadeedkii Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ee Waqooyiga Ingiriiska “Waxaan u mahadnaqayaa labadiina bog ee maanta i siiyey fursadan iyo saxaafada kale ee idinla wadaagi doonta warsaxaafadeedka, waadna mahadsan tihiin.