![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
HOONBARO LIBAAX BAY SOO WADAA KULMIYENA XUMAAN BUU SOO WADAA (Hadhwanaagnews) Tuesday, March 09, 2010
HOONBARO LIBAAX BAY SOO WADAA KULMIYENA XUMAAN BUU SOO WADAA Xibi kasta oo siyaasadeed oo jira dunida cidbaa taageersan cidina waa ka soo horjeedaa, xisbiyada qaranka ee somalilandna waa sidaas oo kale. Haddaba xisbiyada iyo hoggaankiisaba waxa muhiim u ah qaab dhaqanka siyaasadeed ee hoggaanka iyo xisbiga labadaba.
Xisbiga Kulmiye iyo hoggaankiisuba waxa aad moodaa inay ka fog yihiin anshaxa siyaasadeed iyo hab dhaqanka dad wada dhashay oo ku loolamaya maamul siyaasadeed iyo sida ugu haboon ee horumar lagu gaadhi karo. Marka aad yara milicsato qaabka taageerayaasha Kulmiye u dhaqmayaan hoggaankiisuna raallida ka yahay waxa aad moodaa in xisbiga kulmiye cid gaar ah ama koox gaar ah cod ka rabo.
Haddaba bal aan wax ka tilmaamo qaabka siyaasadeed ee xisbiga kulmiye ula dhaqmo cid kasta oo ka fikir duwan: cid kasta oo kulmiye dhaliil u soo jeedisa haddii ay qoraal tahay iyo haddii ay hadal tahayba waxa lagugu soo afrogayaa cay iyo aflagaado, waxaan aniga lafteedu hayaa emailo badan oo runtii yaqyaqsi ah bal se aan markii hore isku qanciyay waa dad aan bisayl siyaasadeed gaadhin ee iska adkayso.
Markii aan ogaaday Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB falkii foosha xumaa ee taageerayaasha xisbiga kulmiye kula kacayn markuu tegay Burco bari arrintaas oo aan filayay in hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye raalli gelin ka bixin doono, waxa se taas raacay maalintii beerta xorriyadda hargeysa ee dhallinyarada,ka dib markii taageerayaasha kulmiye ku fooryeen xoghayaha UDUB waxaan islahaa Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu odhan doonaa dhaqan hufan maaha bal se isaga laftiisa ayaa iyada oo cadho ka muuqato waxuu yidhi ninkii halkan ka hadlayay ee la lahaa waxbaa soo dhacay.
Waxaad ugu dartaa maalintii dhoweyd ee Maansoor la joogay lana furayay Somtel tii oo kale ayaa dhacday, waxa keliya ee xisbiga Kulmiye u hadhay waxa weeye iyaka oo dadka ka soo horjeeda xabbad ku muquuniya.
Haddaba waxa aan leeyahay dadka hab dhaqankan leh iyaka oo xukunka debedda ka jooga maxaa laga filan karaa haddii ay talada dalka ku guulaystaan, waxa iman doontaa nimanka hadda caga juglaynta iyo cabudhinta caadada ay u tahay ee aad moodo ciil qabayaasha hadday talada gacanta ku dhigaan, dalka ma wada xabsi ayay ka dhigi doonaan.
waxa lama huraan ah in xisbiga Kulmiye hab dhaqanka foosha xun wax ka beddelo waayo afxumadan caadada u noqotay waxa ay horseed u tahay gacan ka hadal iyo in xisbi waliba degaan xidho oo uu u diido ka kale inuu ka ololeeyo waayo cid waliba meel ay cid u diido way leedahay haddii shuruucda iyo nidaamka tartan ee axsaabta la dhawri waayo lana ixtiraami waayo madaxda xisbiyada qaranka.
Waxa aan shacbiga somaliland u soo bandhigi doonaa emaliladii aniga qof ahaan la iigu aflagaadayn jiray oo weliba beelaysan,shacbiga somaliland waxaan leeyahay Kulmiye wuu kala faquuqayaa ummadda halisna waxa uu ku yahay wada noolaashaha dadka ee ha laga codeeyo oo si buuxda ha looga horyimaado qaabkan iyo dhaqankan bahalnnimada ah ee xisbiga kumiye caadada u ah madax iyo minjoba haddii kale waa la isku qoomamayn doonaa.
Xisbiga kulmiye waxa uu halis ku yahay la hubo wada jirka shacabka somaliland deganaanshaha iyo weliba nabadda iyo xasiloonidan qiimaha badan inoogu fadhida, taas oo khasaare ka dhigi karta halgankii dheeraa ee naf iyo maalba loo soo huray. Shacab iyo xukuumadba waa in feejignaan dheeraad ah la yeesho, nin hamuun kursi qabaana yaanu inna kala daadin iskana horkeenin shacabka walaalaha ah.
Ibrahim Duale Suleiman
******************************************************** Hadhhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga. Submit by:-Edit |
|||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||