Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag



Rafaadkii Jacayka Raaxadii ka danbeeysay. Qaytii 2aad

(Hadhwanaagnews)  Tuesday, March 09, 2010

 
waa qaybtii 2aad ee sheekadii taxanaha ahayd ee Rafaadkii Jacaylka Raxadii ka danbaysay waxayna inoo joogtay iyadoo oo Nasro ay la kulantay  wiilkii cabdirisaaq ahaa uuna is baray wiil la dhaho mahamed oo ay cabdirisaaq sxb ahaayeen, dabeedna ay Nasro u bandhigtay jacaylkeedii ay mudo badan la baholyoowsanayd, Cabdirisaaqna si xushmadi ay ku jirto uu uga aqbalay Nasro maadama ay ahayd qof aan sinaba lagu diidi karin dhinackasta oo laga eego xaga quruxda eebe u dhaliyay iyo dhinaca hab dhaqankaba. Sanad markii ay wada socdeen aadna isku dhex galeen, ayaa cabdi risaaq waxa uu soo ag dagay meel aad ugu dhow xaafadii ay daganayd, Nasro sida Somali badan oo ku nool Nairobi waxay u joogtaa oo ay ka dhur sugaysaa Sponsor u xareeysay iyada iyo qaar ka mid ah qoyskooda oo ay usoo dirtay walaasheed oo ku nool cariga maraykanka gaar ahaan gobolka ay somalidu ku badan tahay ee Minasota, cabdirisaaq waxuu kasoo hayaamay xagaas iyo muqdisho oo arimo nabadgalyo awgood uu ugu noolan kari waayay, waxaanu kamid yahay  dhalinyarada ka xoogsata ama ka dilaala suuqa wayn ee somalidu inta badan ka ganacsato waxaanu la shaqeeya abtigii oo ka mid ganacsata dhexe ee ka shaqaysta suuqaas islii,
 
 
Marka in mudo ah sidii lagu wada socday habeenada qaarna laysku raaco meelaha dhalinyaradu iskugu timaada iyo shaneemooyinka Nairobi ku yaala, ayaa habeen waxay ugu bushaareeysay ama u sheegtay cabdirisaaq in uu usoo baxay sponsorkii ay sugaysay inta badan taasoo uu u hambelyeeyay laakin uu hoosta aad uga murugooday maadama ay ka tagayso gabadhii Jacaylka bartay ee Nasro oo lamoodo inuu imika isagu ka daranyahayba dhinaca baholyoowga jacaylka.  Gabadhii markii ay waxkasta usoo dhamaadeen xagii dhoofkeeda oo ay heshay fiisahii loona sheegay wakhtiga ay baxayso ayaa cabdirisaaq uu isku dayay qudhiisuu inuu ku baxo passport bug ah oo usoo diray adeerkiis oo ku nool Wadanka UK. ka dib waxaa dhacday in cabdirisaaq lagu qabto basaboorkii bogta ahaa lana xidho mudo sadex bilood sidaasna ay in mudo ah uu ku waayay jacaylkiisi. Nasra intii aanay bixin meelkasta way ka raadisay si ay in uu wax wara ka hesho meeshu uu ku xidhan yahay laakin way u suurto gali waayday, iyada oo aad uga xun dhibaatada ku dhacday jacaylkeedii ayeey ay baxday, cabdirisaaqna uu wali ku jiro jeelkii.
 
 
 
 
qaybaha danbe oo aad u xiiso badan la soco insha allah,
 
mahamed jamac Ducale
xidigc2@hotmail.com
 


Submit by:-Jamaal-Halkaraan

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comGabooyenewsQarannews.somalidiasporanews.com/SomaliPCtogahererwww.aminarts.com

©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca