![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Ferguson Oo Sheegay In Rooney Uu Ka Qayb Geli Doono Kulanka Milan Ee Habeen Dambe (Hadhwanaagnews) Tuesday, March 09, 2010
Maalmihii u danbeeyay ayaa laga dayrinayay xaalada caafimaad ee ciyaaryahan Rooney, balse shir jaraa’id oo uu caawa fiidkii warfidiyeenada u qabtay tababare Ferguson ayuu ku sheegay in ciyaaryahan Rooney uu diyaar u yahay sidii uu uga qayb geli lahaa kulanka ay la leeyihiin kooxda Milan waxaanu yidhi “Xaalada caafimaad ee ciyaaryahan Rooney iminka aad ayay u wanaagsan tahay waxaanan filayaa oo noo qorshaysan in uu ka qayb galo kulanka aanu la leenahay kooxda Milan habeen dambe” ayuu yidhi Ferguson. Kooxda Manchester United ayaa 3-2 ku soo jiidhay dhigeeda Milan ka dib markii ay ugu tagtay hoygeeda Milano waxaanay ciyaartan habeen dambe ka dhici doontaa garoonka ay Old Traford. Taageerayaasha kooxda Milan ayaa iyagu ku soo qulqulaya dhinaca magaalada ay Manchester, waxaanay u soo tafaxayteen sidii ay niyada ugu dhisi lahaayeen kooxdooda oo markii hore ku guul daraysatay in ay dhibcaha ka dul qaadato. Si kastaba ha ahaa ciyaarta dhex mari doonta labada kooxood ee Milan iyo Manchester United ayaa si weyn isha loogu hayaa waxaanay dadka badankiisu isku raaceen in ay kooxda Manchester United oo marti loo yahay jiidhi doonto Najax Aadan Cunaaye Hadhwanaagnews Hargeysa/Somaliland Kurtin1982@hotmail.com Submit by:-Husein-Dhuux |
||||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||