Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag



INTERNETKA WAXA LAGU QORO MA LUMAAN EE SHEEG GOORTA LA CAAYAY DAHABSHIIL IIDYAROOW

(Hadhwanaagnews)  Tuesday, March 09, 2010

Salaan ayaanu u tabinaynaa shabakadaa somaliland ee nagu habo wararka dalka iyo dunida salaankalena shacbiga ayaanu salaamaynaa. maqaalkan waxaanu jecel nay inaanu wax ka nidhaa nin aanu is nidhi malaa ma dhaadana in internetka waxa lagu qoraa ay kayd yihiin oo la hayo. waa nin la baxay iid ibraahin cali oo ku eedeeyay masuul xisbiga udub ah oo ah Gudoomiye Sanwaa inuu caayay Dahabshiil kiiyoo ka dhigaya inuu caayayo beel weynta habar jeclo!!!!!!!!!!! waxa wax lala yaabo ah qof la akhristo maqaaladiisa meelkasta oo dunida ah oo reer somaliland ku nool yihiin mucaarid iyo muxaafidba in laga been abuuro mana wanaagsana in waxaan jirin qofka laga sheego. Iidoow waxay umada reer somaliland kaaga fadhidaa halkaad ku aragtay Sanwaa Cumar Yare oo caayaya reer ka mid ah reeraha wada daga somaliland haku meeraysan Dahabshiile hadaad keento maqaalkaas walaahi iyo bilaahi inaanaan sanwaa dib u taageerayn ee ku abshir. Waxaanu hubnaa oo dadka tirada badan ee akhrista maqaaldiisa ay nala qabaan inaanu jirin maqaal sanwaa qoray oo wali caayaya beel iyo shaqsi beel uu ku caayayo midna inaanay jirin.

 

waxaanu kusoo jaraynaa iskeen badka oo sheeg maqaalka aad ka been abuurtay Sanwaa oo caayaya reer ama dahabshiil ama cidkale hoygiisana waa la yaqaan sanwaa oo wuxuu soo dhigaa maqaalada labda shabakadood ee hadhwanaagnews iyo oodweynenews oonu iyagana leenay la baadi doona yarkan baacsanaya masuul qaran waliba hadhwanaag ayaad tidhi wuu ku qoray waadigaa kashifmee.

 

 

 

QALINKA DIYAARIYAASHA MAQAALKAN:

 

Mustafe Ileeye Axmed.

Hibo Xuseen Khayre.

Axmed Cali Dhunkaal.

Faysa Aadan (Ina Gabay).
Maxamed Cayngal .

Caasha Farxaan Amiin.

Ibraahin Muse Cawaale.

 

LONGLIVE SOMALILAND 
Liverpool, Uk

.........................................................................
Hadhhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.

Submit by:-Jamaal-Halkaraan

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comGabooyenewsQarannews.somalidiasporanews.com/SomaliPCtogahererwww.aminarts.com

©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca