![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Wararkii Muqdisho oo goosgoosa iyo wariye C/raxmaan Dalamar (Hadhwanaagnews) Tuesday, March 09, 2010
Mid ka mid ah Saraakiisha sarsare ee ururka Xisbul Islaam oo lagu dilay bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho
Sarkaal ka tirsan ururka Xisbul Islaam oo qaabilsanaa dhinaca dagaal gelinta maleeshiyaadka Xisbiga ayaa barqanimadii maanta lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Barre Cali Barre oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa dilkiisa geystay kooxo hubeysan oo wejiga soo qarsaday, kuwaasoo madaxa rasaas kala beegsaday Sarkaalka iyadoo ilaalo labo ahayd oo sarkaalka la socotayna ay ka carareen sarkaalka iyagoo aan difaac iyo iska cabin u samaynin.
Kooxaha dilkaas geystay oo aan la aqoonsan ayaa ka baxsaday goobta markii ay dilka geysteen kadib, waxaana meydka sarkaalka la geeyay Guri uu ka deganaa suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Ma jirto cid sheegatay dilka sarkaalka Xisbul Islaam, inkastoo maalmahanba ay jireen xurguf u dhexeysay Xarakada Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo marar badan warbaahinta isu mariyey eedeymo.
Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii Sarkaal ka tirsan ciidamada Al-shabaab lagu dilay isgoyska Sanca degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho, dilkaasoo aan la ogeyn cidda geysatay.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo booqasho ku jooga Puntland oo uu Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya sheegay inay qaab beeleed u tageen halkaas, dowladdu aysan dirsan
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya oo gaaraya Tobanneeyo Mudane ayaa booqasho ku tegay magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, waxayna xildhibaannadaasi kulan albaabadu u xirnaa shalay la qaateen madaxweynaha Maamulkaasi C/raxmaan Faroole iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirrada Puntland.
Guddoonka Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in aanay waxba kala socon safarka Puntland ay ku tageen xildhibaannadaas ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya, wuxuuna Guddoonku sheegay inay yihiin xildhibaannaasi kuwo ka soo jeeda Puntland oo ka tegay dalka Kenya si iskood ahna u tegay Garow, Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliyeedna uusan waxba kala socon socdaalka ay ku joogaan degaannada Puntland ee ay iyagu ka soo jeedaan qabiil ahaan.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in xildhibaannadaasi ay ka soo jeedaan Puntland kuwaasoo uu sheegay in guddoonka sare ee Baarlamaanka uusan waxba kala socon safarkooda.
Waxa uu Boqorre sheegay in xildhibaanadaasi ku sugan Puntland ay qeyb ka ahaayeen xildhibaanno ku sugnaa mudsooyinkii ugu dambeeyay dalka Kenya, waxaana uu intaasi raaciyay in uu maqlay inay la kulmeen madaxda maamulka Puntland ayna kala hadleen khilaafaadka ka dhex taagan maamulka Puntland iyo dowlada KMG Soomaaliya.
Dhanka kale mid ka mid ah xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan Garowe ayaa sheegay in ay garowe u tageen xalinta khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda KMG Soomaaliya, arrintaasna ay ogolaasho uga heystaan ergeyga u qaabislan Q/Midoobay arrimaha Soomaaliya Axmed Walad cabdalla iyo sidoo kale dowladda Mareykanka gaar ahaan safaaradda Mareykanka ee ku taal Nayroobi.
Xildhibaanada ka tirsan dowladda KMG ee ku sugan Puntland, kana qayb galey kulanka wasiirrada Puntland ayaa kala ah C/llaahi Bile Nuur, Xareed Xasan Cali, C/ladiif Muuse Nuur {Sanyare}, Daa´uud C/kariin Sheekh Cumar, Jen. C/raxmaan Maxamud Cali Bayr, Cali Maxamuud Xirsi, Cali Ismaaciil Cabdi Giir, Xasan Abshir Farax, Deeqa Coljoog, Axmad Saakin oo dhammaantood reer Puntland ah.
Xarakada Al-shabaab oo ka hadashay liiska argagixisada ee lagu daray ururkooda
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in xayiraadda ay ku soo rogeen dalalka Ingiriiska iyo Kanada ay u arkaan guul maadaama sida uu sheegay ay taasi muujinayso inay awoodaysatay Xarakada Al-shabaab.
“Dalalka sheegay inay xayiraad ku soo rogeen Al-shabaab waxay ogaadeen in xarakadu ay awood yeelatay, taasoo ay ka baqeen inay soo celiso halgannadii looga soo horjeeday Gaalada sida tii Sayid Maxamed C/lle Xasan, waxbase nooma dhimayaan, waayo waxaan ku taagannahay waddadii Alle” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Mar uu soo hadal qaaday wararka ka soo yeeray Mareykanka ee ah inay garab ciidan siinayaan dowladda KMG ayaa waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay iska difaacaan dagaal kasta oo kaga yimaada dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka.
“Haddii Mareykanka ay ciidamo u soo diraan Soomaaliya waan u sheegaynaa inay joogaan wiilashii 1993-kii dhulka ku jiiday askartooda, kuwaasoo maanta caqiiddo ku dagalamaya” ayuu yiri Shekh Cali Dheere oo dhanka kale ka hadlay heshiiska dhex maray dowladda KMG Soomaaliya iyo Ahlusunna oo uu sheegay inay yihiin labo dhinac oo isku mid ah, uusanna waxba u dhimeyn heshiiskooda jihaadka ay ku jiraan, isagoo dowladda iyo Ahlusunna ku tilmaamay kuwo ay soo dhisatay Dowlada Itoobiya.
Afhayeenku wuxuu ugu dambeyn sheegay in Xarakada Al-shbabaab ay sii wadi doonto dagaalada ay kula jirto dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo cid walba oo ay gacan ka helaan, wuxuuna sheegay in Jihaadku uu socon doono inta laga guulaysanayo sida uu yiri.
Ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo beel beel u kala saftay kadibna dagaal culus uu dhex maray
Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo beel beel iyo jufo jufo u kala saftay ayaa shalay waxa uu dagaal culus ku dhex maray Waqooyiga magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimashada hal askari iyo dhaawac intaas ka badan.
Dagaalkan oo ahaa mid xooggan ayaa wuxuu ka qarxay inta u dhexeysa Isgoysyada Maanaboolyo iyo Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhinacyada dagaalamay ay ka soo jeedaan beelaha u badan degaanka Waqooyiga Muqdisho oo iyagu jufo jufo inta u kala baxay dagaalamay, waxayna wararku sheegayaan in qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkaasi ay ku koobnayd askarta dagaalantay oo qura oo dadka rayidka aanay waxba ka soo gaarin, iyadoo ay ku dhinteen Labo askari, Shan askari kalena uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray.
Saraakiil ka tisran dowladda KMG oo sida la sheegay ay beel wadaag yihiin ciidamadaasi dagaalka uu dhex maray ayaa kala dhex galay dhinacyada dagaalamay, kuwaasoo la sheegay in ugu dambeyn ay ku guuleysteen inay xabbada joojiyaan.
"Ciidamada dagaalamay waxay ahaayeen kuwo beeleed oo ka barbar dagaalamayay ciidamada Dowladda waxaana lagu guuleystay in la joojiyo dagaalkooda, khasaaraha iyaga ayuu ku ekaa mana jirin qof rayid ah oo wax ku noqday" ayuu yiri Yabarow Haruur oo ah guddoomiyaha degmada Shibbis ee maamulka Gobolka Banaadir.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ay dagaallo ku dhex maraan magaalada Muqdisho, balse dagaalkani wuxuu kuwii hore u dhex mari jiray ciidamada dowladda KMG kaga duwan yahay wuxuu u dhacay qaab beeleed oo askartii dowladda ay u kala safatay.
Madfac ku dhacay Gaari dad rakaab saarnaayeen oo dowladda KMG ay ka hadashay
Madfac ku dul habsaday gaari nooca rakaabka qaada ah oo marayay degaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho kana mid ah degaannada dadkii Muqdisho ka cararay ay ku barakeceen ayaa waxa uu sababay dhimashada labo qof oo haween ah iyo dhaawaca Shan qof kale.
Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn cidda Madfacaasi ku tuurtay degaankaas ayaa haddana la tuhmayaa inay yihiin ciidamada AMISOM maadaama degaanka KM.13 ay fariin ciidan ku leeyihiin xoogaga Xarakada Al-shabaab, isla markaana goobta uu ku dhacay dhowr KM u jirto fariisinkaas.
Xilliga uu madfacaasi ku habsaday Gaariga marayay degaanka KM.13 ayaa la sheegay inuu socday dagaal u dhexeeyay ciidamada AMISOM iyo xoogagga ka soo horjeeda joogitaankooda, iyadoo markaasi ay yimaadaan in madaafiic lagu tuuro goobaha aanay dagaalladu ka socon ee rayidku degan yihiin.
Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya ayaa ka hadashay madfacaas ku habsaday Gaariga rayidku saarnaa, wuxuuna wasiirru dowlaha wasaaradda Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) uu sheegay in dowladda KMG ay ka xun tahay Madaafiicda habowga ah ee isaga dhacda goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah gaar ahaan goobaha loo barakacay isagoo tilmaamay in dowladda KMG wax lug ah aysan ku lahayn madaafiicdaasi sida uu hadalka u dhigay.
Sheekh Yuusuf Indha-cadde waxa uu ku eedeeyay dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG inay madaafiic iyo rasaas ku ridaan ciidamada Midowga Afrika kuwaasoo uu sheegay in ay yihiin ciidan diyaarsan, isla markaana ay waajib tahay in ay is difaacaan haddii la soo weeraro fariisimadooda.
Ma aha markii ugu horreysay oo Madfac ku habsado gaari rakaab saran yahay, dhawaan ayayna ahayd markii madfac uu ku dhacay gaari rakaab waday oo ku socday deegaannada loo barakacay.
C/Raxmaan Dalmar Hadhwanaagnews MuqdishoSubmit by:-Jamaal-Halkaraan |
|||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||