![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Goormuu Mr.Sanwaa Noqday Masuul Qarran???? BY ; Eid ibrahim ali (Hadhwanaagnews) Tuesday, March 09, 2010
Intaa ka dib waxan mar labaad salamaay shabakada hadhwanaagnews.com oo sida runtiiya shacabka ka haqabtirta Wararka dalkooda hoooyo iyo dhacdooyinka caalamka kuwooda ugu xiisaha badan ´ Intaa hadaan ka gudbo ´ waxaan jeclaystay in aan u jawaabo´ dad ragg iyo dumarba leh si wada jira ah qoray maqaal sida runtiiya aanan Garanayn, Halka ay ka hadlayaan iyo u jeedadda dhabtaa ay leeyihiin !! laakiinse sida aan ka fahmay maqaalkooda waxay ku dooddayaan in Aan anigu ka been abuuray ninka isku magacaaba sanwaa ee sheegta in uu yahay gudoomiyaha udub ee qatar!! Haddaba marka hore aan su´aal idin waydiiyo inta aanan idiinka jawaabin su.aashiina´ ahayd soo caddee maqaallkii sanwaa´ 1- sanwaa ma yahay qof xorr ah oo si kalsooni leh maqaall u qora ugana jawaaba mise´ waa uu qoraa keliya´ idina cidii ka hor timaada Ayaad u jawaabtaan? 2- idinku masuull ma ka tihiin makana war haysaan maqaallada uu sanwaa saxaafada ku qoro maalinkasta bil kasta sannad kasta´ mise waad iska difaacdaan ? 3- ma ii sheegi kartaan sababta uu isagu uga soo jawaabi waayey maqaalkaygii ´ee aad idinku uga soo jawaabteen? Dhamaanba su´aalahaas idinka ayaa ka soo jawaabi doonna insha´llaah Haddaan ka jawaabo su´aashiinii ahayd soo cadee meesha uu ku caytamay sanwaa´ Horta marka hore uma jawaabo dumarka dhamaanba dhaqana uma lihiba in aan qof dumara la Goo´goosto´ idinka waxaan idin leeyahay agtayda xushmad iyo karaamo ayaad ku leedihiine Ha iska qaadina Ilmaadeerayaal, gabadhina gurigeeda wax u dhaamaa ma jiraan´ isuna kaayo daayana aniga iyo sanwaa guulwade´ Kuwa ragga ah iyaga midh baan leeyahay ´ ma xuma in aad maqaal soo qortaan wax kasta ha ahaaddee laakinse meeshan waa saxaafadd waa Meel dadku ra´yigooda ku cabiraan´ waa meel akhbaarka wadanka lagala socdo´ Markaas iska dhaafa qof aad reer ku difaacaysaan kana feejignaada hadaladan xanuunsanaya ee aad saxaafada ku soo qoraysaan , Sidoo kale ka daaya hablahan aad magacyadooda saxaafada ku soo qoraysaan´ oo hadaad wax iga tabanaysaan aniga´ Shiqsi bay ku haboon tahay, ee in qiiro idin qaado maaha oo aad sideed magac qabiil huwan isku soo raacdaan ´ Sida runtiiya saxaafadiiba fikir khaldan ayaad ka haysataan waxaad ka dhigteen meel qabiiladda ay ku dood tamaan´ Haddaba qofka fikirkiisa ayaa lagu taageeraa laakinse iidinku qabiil ayaad ku difaacdeen iyo been uu sheegay´ Hadii aad u baahantihiin maqaalkii uu sanwaa kula kufay shirkada dahabshiil kuna suntan isaga magaciisa aniga ayaa idiin haya, laakinse Sanwaa haka hadlo in uuna samayn iyo in kale´ waayo qof aanan hadalba ka hayn waxaan ugu jawaabaaba waa khalad ´ qof la riddana ka wayni´ Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ´´´´´´´´´´´ af jooga looma adeeggo´´´´´´´ taasoo micnaheedu yahay qof xaadira oo miyirkiisii qaba ha u hadlin Adigu, ninka aniga wax iga tabanayaana isagu ha i soo abaaro laakiin ciyaal calaacalaya noway´´ inkastoo aan u malaynayo isagu shan Magac ku soo galo saxaafadda, sababtoo ah dad caqli lihi may isku raaceen hebel waxas ma qorin´!!!!!! Ninka sanwaa masuul ku sheegayaa waa mid ka liita aan guna jirin´´´´ ALLAA MAHAD LEH best Regards, Iid ibraahim iid_ic@hotmail.com ******************************************************** Hadhhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga. Submit by:-Edit |
|||||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||