![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Nebiga kusaliya waxba inagama xumee. (Hadhwanaagnews) Tuesday, March 09, 2010
Marka hore waxaan salaamayaa bahda hadhwanaag In mudo ah ba Waxaa wadankeen ka taagnaa khilaaf siyaasadeed oo ooda jebiyey markasta oo doorasho soo dhuwaato hase yeshee ilaah mahadii markasta sinabadgelo ah ayaan ku dhamaysanaa. Waxaa xusid mudan aynu iswaydiinu waayo bay u dhacayaan waxaan oo hadana ay halkoodii uga sii soconayaan markata oo doorasho soo dhowaato . Waxa aan isleeyahy way ugu wacanyihiin waxa ka kow ah aduunka meesha aynu ka deganahay Oo ka indho la kala danbaynta wanaaga isqaderinta waa hoyga dilka, xabsiga cagajuglenta. Hadii aan sifiican u faahfaahiyo sifiican u eega deriskeena. Yemen, Ethiopia,Somali ,Djabouti ,Eriteria, intaas oo wadan iyo kuwa carbeed ee aan sidaa inooga fogayn waxaa ka jira xaqdaro aad u baahsan oo ubad saga xuquuqul iinsaanka hadii wadan cadaaladu ka dhimatona waxba uma hadhin wadankaa. Intaas oo madaxweyne waa midkwaliba wuxuu kufadhiyaa in kabadan labaatan sanadood. Waxaas ayey madaxdeenu arkeen weliba waxaynu dheernahay ictiraaf la,aan markaas nin waliba wuxuu is leeyahay maxaad fali yaanu biilku kaa go,in haday tahay Guurti, Baarlamaan[parliament] Dantaata. Adigu oo is leh maanta ayaa doorasho inyar kadib mise waa riwaayadii hore u socon jirtay. Mar hadii aynu wadan aas aasnay ilaah mahadii Guurti, Parliament, Xisbiyo jaamacado iyo intan oo aduun ah waynu dhaanaa wadamada aan kor ku soo xusay siyaaba badan markaa aan nebiga ku salino [scw] aan iimaansano waxa alla inasiiyey dhalinyarado waa in ay dhulkeeda joogaan waxbartaan xisbiyada galaan shaqo loogu abuuro. Lacagtan madaxtooyada iyo madaxweynaha hala dhimo halagu kabo cispitaalada iyo huromarinta dhalinyarada. Doorashaduna waa in ay si cadaalada u dhacado si aynu hore ugu marno ileen doorashooyinkii hore ayeynu ku wareernaye. Allaa mahad leh
Rashid xaaji Awad Submit by:-Edit |
|||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||