![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
ILEYN AF-AADAN LAHAYN LAMA QABTO CISMAAN-HINDI & SANWAA CUMAR YARE. (Hadhwanaagnews) Tuesday, March 09, 2010
Asalaamu calaykum dhamaantiin reer Somaliland meel walba aad ku nooshihiin, Waxa laga yaabaa in aad la yaabtaan laba nin mid waa Sanwaa, midna waa Cismaan Hindi, Kan aan doonayo inaan fikradayda ku cabiro waa Cismaan Hindi iyo sababta xishoodkii iyo garashadii ka qaaday, Waxay bilaabmatay cuqdadiisa doorashadii xisbigii uu ka tirsanaa ee Kulmiye, ka dib markii uu saluugay sidii ay u socotay ama loo maamulayey doorshada, Anigaygan shaqsiyan waan saluugay lakiin waxaa ka weyn tan shaqsiyada tan qaranka, Hadaba cismaan waxaa laga yaabaa inuusan isu fiirsanayn maadaama uu yahay nin xanaaqsan, Lakiin wuxuu ku seegayaa mustaqbalka in markale dib loo dhagaysto oo sharaftiisi ayaa kaga dhaawacmaysa sidii Ismaaciil faqash oo kale, Hadaba waxaan kula talin lahaa walaalkay Cismaan hindi inuu wax la kala hadho ee uusan noqon sidii reerkii berigii Afweyne sii dhacayey uu haybtoodii u duway ama ka dhigay Daarood si uu ugu jabiyo Abgaalka oo ay oodwadaag ahaayeen, Hada reerkii waxay ku dambeeyeen degaan la´aan iyo inay dulsaar reero kale ku noqdaan, Waxaan ku leeyahay Ina adeer Cismaan dad anaa u dambeey oo Udub ka baxee ayeysan mustaqbalkaaga ku seejin, Tan (Udub) aad mustaqbal ka raadinaysaa waa tan kala saari la´ laba beelood ee wiil iyo abtigii ah ee wada dega Ceelbardaale ee Guurtidii go´aamisayna ku qasaysiyey, Tusaale waxaa kaaga filan Ina adeerkaa Ismaaciil faqash guulwadeyntiisii Udub waxay ugu abaal guday ee Cismaan wakhtiga haysaga lumin siyaasadana way isbedeshaa ee wax iskula hadh aflagaadadana ka daa madaxda Kulmiye ee aad ku caynayso wax ayan gayn, Walaal eeg masiirka dalka dan ma ugu jiraa Udub oo markale ku guulaysata hogaanka dalka taasoo safiirkii masriga ahaa wax ka qaban weyday markii uu laba jeer isagoo Hargeysa jooga lahaa waxaan u aqoonsanahay Somaliland somaliya, Cisman waxaad tahay nin hotel leh ee dawladani wey tagaysaayee mehradada dhawro ee yeysan kaa kicin. Hadaan u soo jeerto ninkan yar Sanwaa ee casiirka Qadar ku cabayaa ee ilaa culimadii afka la galaya, Waxaan ku leeyahay walaal aduun waxba kama warhaysid ee taariikhda dib u daras oo kaalinta ay culiamada kaga jireen bulshada dib u baadh markaa ka dib ka hadal, Waxaase nasiib daro ah inkastoo Xadiis cadaynaya zamankan jiro, In culimada xilkoodii gabeen sababtoo ah iyagay ahayd kuwa uu Ilaahay u baneeyey inay xilka qabtaan oo dhulka Ilaahay maamulaan lakiin iyagaa gabay oo ka soo bixi waayey xilkoodii, oo ma waxay maanta culimadii marayaan in lagu canaanto maxaa siyaasad idin galiyey? iyo maxaad ka taqaanaan?, La yaab ma leh oo wey istaahilaan lakiin waxaan dadka ogaysiinayaa in ay culimada yihin kuwii dhaxlay Anbiyadii Ilaahay, Isagaana tababaray Anbiyada , Cid uga aqoon badana ma jiraan siyaasada iyo maamul, Taasoo aan ku salaysnay beenta, lu gooyada iyo maalka kaydsashada ama ka tabcashada ee waxaan ku leeyahay Sanwaayow culimada iyagaa baadadkii iska guree sidaa ulamaadan hadasheen haday xilkii Ilaahay u dhiibay gudan lahaayeen ee xaal sii. Tan kale aan doonayo inaan kaaga jawaabo waa inamadan aad tidhi laaluush bay qaateen oo madax ayey ku foodhyeen, Walaal arintaasi waa astaanta lagu garto dawlad sii dhacaysa ee cid wax gaadhsiin karta oo lacag u qaybin karta 2000 oo caruur ma jirto. Waxaan garan waayey sacabka cida ay ka mutaysteen saw maaha ragan kuwii xasuuqay shacab maatida ah oo baroomada iyo rasaasta ku furay siday ugu sacab tumi karaan ma laabtay la´yihiin, Weliba mid ku darsoo dadkan waxay dhawrayaan waa doorshada oo dhacda uun maalintaasay codkooda ku ciil bixayaan, inta ka horaysa waanu iska sabri, Waanu garanaynaa waxay dawladu waxaas oo qasa u samaynayso, Waa kacdoon haka dhaco si ayan doorasho u dhicin mudadana loogu kordhiyo. Sharma´arke Maxamed Cumar Qoti sheeq@hotmail.com. ******************************************************** Hadhhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga. Submit by:-Edit |
|||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||