Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag



Hijabka iyo Shurudihisa. BY;- SAWDA QAALI

(Hadhwanaagnews)  Tuesday, March 09, 2010

xijaabka
 
 
khaladaadka ay dumarku galaan markay baxyaan, iyo khaldka ay ka galaan wajibkii kasarnaa huga ama dharka ay xidhanayaan:
 
 
dariskan oo lahdlay gabdha xijaaban iyo ta aan xijabnayn ,midna khaas uma ah oo gaar ugam hadlayo labdoodab wuu lahdlayaa, akhri walshayey kuna wano qaado ilhayn kabri in uu ku asturo "if iyo akhiro"
 
islaamku waxuu ka dhigaya gabdha muslimadaa dheemal la,ilaaliyey. oo laxfiday waxaanu ka ilaaliyay inay eegaan indho xun. waxuu ka xafiday oo ka ilaaliyay in dadka xumi  af´kooda ku taagan.
 
hadab: wax loo bahan yahy inay gabdha muslimadaa ay fahanto markuu islaamku xijaabka usharciyeeyay ee uu udiiday qawanaanta iyo xijaab la,aanta, in uu ka talinaayo, wanageeda iyo maslaxdeeda iyo akhiradeeda iyo jandeeda.

wax hadab muhiim ah: in la ogaado faa,idooyinka iyo fadaa,iisha uu leyahay xijaabku. waayo naftu markay ogaato shayga wanagiisa way kusoo hirtaa {jeclataa}. sidasoo kalle waa inaad ogaataa xumaanta ay ledahay xijaab la,aantu, waayo naftu markay ogato shayga xumantiisa way ka didaysaa {nacaysaa}

 ilahay subxanlahu wataclaa markuu ashyaa faro badan sharciyeeyay. ama uu wajibiyey wax uu sheegay ashyadaas  wanaageeda iyo fadliga iyo janad lagu helayo  si naftu  ay ujeclaato
      ilahay markuu shayaa mabnuuco oo xartimeeyo waxuu tilmaamay shaygaas xumantiisa iyo fool xumadiisa si naftu ay uga cararto oo uga fogaato.
 
      hadab xijaabku maxuu dharka kale kag duwan yahy ama uu dheer yahy?
fadliga kujira ee qofka xidhaa ka helayo. xijaabku waa "dacatu lilaah wa lirasuulih s.c.w" waa gabdha oo uhogansanta illahy iyo rasuulkisa (s.c.w) illhay baa amray oo ku waajib yeelay  rasuulkuna (s.c.w) isagaa farintas illahy ka kenay,
          illahy waxuu ayad quraana ku sheegay 

وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلاَّ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَلْيَضْرِبْنَ بِخُمُرِهِنَّ عَلَى جُيُوبِهِنَّ وَلا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلاَّ لِبُعُولَتِهِنَّ أَوْ آبَائِهِنَّ أَوْ آبَاء بُعُولَتِهِنَّ أَوْ أَبْنَائِهِنَّ أَوْ أَبْنَاء بُعُولَتِهِنَّ أَوْ إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي أَخَوَاتِهِنَّ أَوْ نِسَائِهِنَّ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُنَّ أَوِ التَّابِعِينَ غَيْرِ أُولِي الإِرْبَةِ مِنَ الرِّجَالِ أَوِ الطِّفْلِ الَّذِينَ لَمْ يَظْهَرُوا عَلَى عَوْرَاتِ النِّسَاء وَلا يَضْرِبْنَ بِأَرْجُلِهِنَّ لِيُعْلَمَ مَا يُخْفِينَ مِن زِينَتِهِنَّ وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَا الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ ::{سورة النور
 
(DUMARKU  KHIMARDOODA   HAKU  SII  DAYAAN  GARBAHOODA IYO  LABAHOODA  IYO  LUQUNTOODA  IYO  RAQBADOODA, DUMARKU  DUSHOODA {OOGADOODA}HAKU SII DAYAAN XIJAAB OO AH  MARO  WAYN  OO  QARINAYSA  JIDH-KOODA MARKA  LAGA REEBO  WAJIGA  IYO  LABAD  GACMOOD EE HORE)
awaamirta caynkasa waxay kasoo fushay ilahay waxyna ku socotaa dumarka muminaadkaa. illahyn waxa uu faryaa xijaabka iyo asturnaanta.
   rasuulku s.c.w waxuu yidhi {gabdhu waa cawro}
wax lagma marman ah inay is asturto madaama ay cawro tahy, waxan waajib ah in la adeeco amarka "rabi" iyo amarka rasuulka s.c.w
   ilahay waxuu yidhi
وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمْرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ وَمَن يَعْصِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ ضَلَّ ضَلالا مُّبِينًا:}{سورة الاحْزاب
(NIN MUMINA XAQ UMA LAH UMANA BANAAN SIDOO KALLE GABDH MUMINDA  AHI. ILLAHAY MARKUU ARIN XUKUMO AMA RASUULKISU ´S.C.W´ UU XUKUMO, AMARKA ALLE IYO AMRKA RASUULKA INAY WAX  KALE KADOORTAAN )
 
xijaabka wax fadli iyo wanaag ugu filan inuu yahy daacad illhay la adeecayo. illahy dacdiisan wax lagu helaa raali ahaan´shahiisa. wax lagu helaa jandiisa. waxa lagu helaa cisda iyo sharfta uu illahy hayo ,
  xijaabku waa dhawrsoonan. dhawrsoonantuna mah arin fudud oo dadaka oo dhami la iman karaan, waa arin aad uqaliya oo qiimo badan.  gaar ahan waqtigan aynu ku jirno oo dadaka inta ku dhaqnta yartahay.
 
   illahy waxuu ka dhigay xijaabka ciwankii ama boodhkii ku tusinayay in gabdha xijabni tahy gabdh dhawrsoon oo kafog xumanoo dhan. markaa lam dhibayo oo xitaa kii xumanta donayay kulam soo dhacayo. waayo waxuu ogyahy in ay tahy gabdh dhawrsoon. waxn arinka calmad unoqday xijaabka ay xidhan tahy.  ´ gabdhu hadii ay quruxdeeda mujiso oo ay xijabn waydo wax dhacysa in midwalba oo fasiqa ama faajiri afka lasoo galo
     illahy waxuu yidhi
وَالْقَوَاعِدُ مِنَ النِّسَاء الَّلاتِي لا يَرْجُونَ نِكَاحًا فَلَيْسَ عَلَيْهِنَّ جُنَاحٌ أَن يَضَعْنَ ثِيَابَهُنَّ غَيْرَ مُتَبَرِّجَاتٍ بِزِينَةٍ وَأَن يَسْتَعْفِفْنَ خَيْرٌ لَّهُنَّ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ:}سورة النور
(DUMARKII WAYNADAY  EE  AHAA  KUWA  GURYAHOODA I SKA FADHIYAY  OO  KA  QUUSTAY  GUUR  QURUX  AY  WAX KUFIDNEYAN  AAN  LAHYN  KU  WASI  DANBI  MALAH  HADII  AY XIJAABKA  WAYN  ISKA  DHIGAAN  IYAGOON  ASTURAADI  KA TAGAYN  OON  IS  QAWINAHAYN  INAY  DHAWRSONADAN  BANA U KHAYR  BADAN  DUMARKA  WAAWAYN. ILLAHYN  WAA  MID WAXWALBA  MAQLAY  WAX WALBANA  OG)
  xijaabku waa dhawrsanan iyo dahaaro. waxnuu dahro uyahy qalbiga waxnuu ka dahiraa qalbiga was-waaska shaydaanka iyo waxyigiisa.
  sidoo kalle xubnah muuqda dahruu uyahy oo macsida ayuu ka dahiryaa
waayo qawnaantu waa macaasi.  ´ilahayn waxuu ayadan kuleyahay´
 وَإِذَا سَأَلْتُمُوهُنَّ مَتَاعًا فَاسْأَلُوهُنَّ مِن وَرَاء حِجَابٍ ذَلِكُمْ أَطْهَرُ لِقُلُوبِكُمْ وَقُلُوبِهِنَّ }سورة الاحْزاب
(RAGIIYAW HADAD DONAYSAAN INAD DUMARKA WAX WAYDIISAN. XIJAAB DABDII WAX KAWYDIIYA. SIDASAN UDAHRO BADAN QULUUBTINA RAGAW. SIDOO KALLE QULUUBTII DUMARKA)
     waayo hadii ishu anay waxba arkin qalbiguna waxb majeclaysanyo.
illahy baa asturay gabdha xijaabata, illahy waxuu jecel yahay xishoodka iyo asturnaanta, "rasuulku (s.c.w) waxu tilmaamay gabdha muslimdaa hadii ay iska dhigto maryahii asturayay oo xijaabkaa iyadoo joogta meel aan gurigedi ahayn. "illahy baa ka xayuubiya asturadisii uu asturayay" hadab gabdha muslimda wax lagudboon inay ku dadsho asturaada, si uu illahy ´subxanalhu watcala´ u asturo,  "aljasaa,u min jinsil camal" ogawna sidad ushaqyso buu illahy kuu abaal marinyaa, hadii gabdhey aad is asturto ´ilahay uu ku asturi aduun iyo akhiro´ hadii aad is asturi waydan ´illahy wuu ku fadexadayn aduun iyo akhiro´
  xijaabku waa imaan. wan calamd ku tusinysa qofka imankiisa .
  ´ilahyn waxuu yidhi´
يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ قُل لِّأَزْوَاجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَاء الْمُؤْمِنِينَ يُدْنِينَ عَلَيْهِنَّ مِن جَلابِيبِهِنَّ ذَلِكَ أَدْنَى أَن يُعْرَفْنَ فَلا يُؤْذَيْنَ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا}سورة الاحْزاب
(NABI MAXMADAW WAXD FARTAA DUMARKAAG IYO HABLAHAG IYO DUMARKA MUMINIINTA INAY XIDHAAN XIJAABKA)
    xijaab la,aantu waa iman la,aan  ama imaanka oo nusqaama oo daciifa, surto galna maha gabdha in imankeedu dhamystiran yahy xijaab la,an ay dhex lugayso wadooyinka.  ´caa,isha r.c´ wax usoo galay dumar reer banu tamiim ka mid ahaa iyagoo gashan dhar jil-jilic san waxy ku tiri ´caa,isha r.c´ {hadad tihiin kuwo muminaada waxan aad xidhan tihiin maaha dharkii dumarka muminadkaa, hadii ayadaan muminad ahayna  isag raxaysta sida xoolah su,aal baan idin sugaysa. cadaab iyo ciqaabna wuu danbeyaa}
 xishoodka iyo imanku waa labo la xidhiidhiyay. nabiguna inoo shegay (s.c.w) oo hadii midkood meesha ka baxo kii kalan wa kabaxyaa.
[hadab gabdha muslimadayeey u hinaas jidhkaag oo ka illali in indha ragu qabtaan] ninka muminkaa wax looga bahan yahy in uu uhinaaso gabdhiisa iyo hablahiisa oo ka illaliyo in indhaha ragu qabtaan iyagoo bila xijaab ah, khayr iyo wanaag kumuu hadhin nin aan ka hinasayn dumarkisa iyo hablihiisa ralina kaga ah inay baxaan iyagoo bila xijaab ah  ´waan dayuskii uu tilmamy nabigu (s.c.w) ee reerkisa iyo dadakisa ralida uga ahaa xumaanta inay sameyaan´ ////////////////
 
xijaab la,aantu waa macsi ay gabdhu ku casiyayso illahy kuna diidayso amrka rasuulka (s.c.w). rasuulku waxuu yidhi{umadayda oo dhami janday galysa ilaa mid iska diida mahee}wa laybay wax la yidhi rasuulki allaw kebaa iska diiday janda " rasuulku waxuu yidhi (s.c.w) qofkii i, adeecaa janduu galayaa kan i, adeeci wayana wa mid iska diiday jandii [abuhurayra; rawhul bukhaariy]
 
hadab walshayda muslimadyeey sidebay naftaadu ugu xasilaysa xijaab la,aan adigoo rumaysan allah iyo nabi maxmed (s.c.w)  rumaysan malinta akhiro iyo geerida rumaysan qabriga  iyo janda iyo naarta inaad ku madax adygto oo lag fujin wayo waxd illahy ku casiyayso ama rasuulkisa (s.c.w) aad ku casiyayso oo ah xijaab la,aan. ood isag tagto xijabkii illahy kugu wajib yeelay walal illahy jandisa manad doonayn. ciqaabka illahy maad u adkaysan kartaa? hadii jawbtu ay tahy may wax looga bahan yahy gabdh muslimdaa in ay ka fogaato wax kenaya inay jano kuwaydo. "xijaab la,aantu waxy ku kenaysa in illahay ku nacdalo oo malaa,igtiisu ku nacdasho oo dadaka salixiinta ay ku nacdalaan" nacdasha macnaheedu wax weeyan in naxrista illahy lag fogeeyo
  rasuulku (s.c.w) waxuu yidhi{umadayda akhirkeeda iyo gabgab-deeda wax lag heli doonaa dumar maryo gashan hadan qaawan´calshan maryo aan asturayn bay gashan yihiin´ madax yadooda ayuu rasuulku (s.c.w) sifeeyay oo uu yidhi ´geela hayska leh am janjeedhka leh ayaad madxooga modaa ´wan iyadoo timaheeda kor u xidha ´ uman banaan gabdha muslimadaa´ nabiguna waxuu yidhi (s.c.w) "nacdala  kuwaas oo ku habaara in illahy naxriistisa ka fogeeyo" waan kuwa naxriista alle lag fogaynaayo buu yidhi nabigu (s.c.w)
 
  hadab gabdha caqliga lehi siday usamynaysaa wax kensanya in illahy naxfiistisa laga fogeeyo, maxay kuu tarysaa maro aad istiri ku xargood  oo illahy naxriistisa kaga fogeeynaayo. xijaab la,aantu waa danbi wayn oo lagu halgsamyo rasulku (s.c.w) waxuu yidhi lab qof xalkooda hawraysan bimacnaa way halgsameen labadaas qof wax kamid ah {gabdha uu ninkedi ka maqan yahy wax walba oo ay ubahnaydana uu udhamys tiray xitaa inay baxdo wax ku kalifay anuu jirin. bananka ubaxday oo isban dhigtay oo xijabkii ka tagtay} arinkeeda hawraysan waa mid halgsantay buu yidhi nabigu (s.c.w)
 
rasuulku (s.c.w) markuu heshiis laglay dumarka {wax kamid ahaa waxyaabah uu kula balmay in aanay is ban dhigin sidii jaahiliga ee islaamka ka hor ay samayn jireen} "xijaab la,aantu waxy kamid tahy sifooyinka ehlu naarka"
rasuulku (s.c.w) waxuu yidhi {dumarkiina wax ukhayr badan ´gabdha kalkacaylka badan ee dhalmada badan ninkeeda iyo ilmaheedan jecel ee kawar haysa ´rasulku waxuu leyahy waa hadii ay illahy ka cabsadaan dumarka sifadkaas lihi´   
   ´wax ushar badan {dumarkiina kuwa bilaa xijaabka ee is ruxaya is qad qadaya markay suuq yada maryaan waana munaafiqaat} "ilahay waxuu yidhi"
 
 يَا بَنِي آدَمَ لاَ يَفْتِنَنَّكُمُ الشَّيْطَانُ كَمَا أَخْرَجَ أَبَوَيْكُم مِّنَ الْجَنَّةِ }سورة الاعراف
(NABI AADAM CARUURTISIYEEY SHAYDAANKU YANU IDIN FIDNAYNIN SIDUU LABDINII WALID JAND UGA SOO SARAY)
 hadab xijaabka oo lag tagaa waa shaqdii shaydaanka shaydaanku qawnaanta ayuu jecel yahy oo rali kam ah asturnaanta,
 
  xijaab la,aantu dhulka ayay fasaad ku tahy ilahayna dhulka wuu islaxiyay oo hagjiyay waxyabha uu ku hagjiyayn wax kamida "in anbiya laraaco, asturnaanta, xishoodka, xishmada," ilahy dhulkaas uu hagjiyay in laqribaa wa xaraan.   xijaab la,aantu wa fasaad aad iyo aad uwayn ´gabdhii bay fasaad ku tahy, ragii bay fasad kutahay, mujtamac ayay usoo jidaysaa fasaad iyo qaribnaan sidaa awgeed cadawga islaamka oo ah ´yahuud iyo nasaara´ waxay fahmeen melaha mujtamca muslinka lagala daglami karo inay tahay ´dumarka oo xijaabka lag dhigo´ oo bananka losoo saro wanay ku dadalan arinkas shaykasta oo qaliyana way kubixiyaan dariiqo kastan way umaraan inay ka saaran dumarka muminadka xijaabka. ////////////////////////
 
 
    hadab wax loobahan yahy in dumarka muminadka ahi ´ajiiban illahy yedhmadiisa´ oo ay ajiiban nabi maxmed (s.c.w) dacwadiisa´  "xijaab la,aantu waa jahli ama aqoon daro" waayo gabdhu haday garnayso illahy waynidiisa  way ka amar qadan lahayd oo xijaabka kamy tagteen" garsho la,aan anay illahy waynidiisa si dhaba ugarnayn baa xijaab la,aanta keentay
 
xijaab la,aantu wadigoo isku ekaysiiya xaywaanka waayo xishoodka laga xishoodo qaawanaanta waa mid illahy ku abuuray dabecad ´iinsanka´
"illahy waxuu tilmamay in nabi aadam iyo xaawo markuu shaydaanku macsiyo uqurxiyay ay dharkii ka daateen oo qawanaan ubaxeen. markiiba waxy u dhaqaaqeen inay isku asturaan caleentii kaynta bilaa adan kalle oo ay iska qarinayen meesha majoogin lakiin waxay rali ka noqon wayeen qawananta"   hadab in qawananta la iska illaliyo oo asturnaanta lagu dadla waa sifo wangsan oo illahy bilaa adanka ku abuuray. ´qawnantuna waa dhaqan iyo abuur uu illahy xaywanka ku abuuray´  hadab hadii qofka muslinka uu ka tago asturadii bila adanka lagu beeray illahyna uu faray waa isaga oo ´darjadii insaniyad hoos uga dhacay oo noqday mid ulexday xagii xaywanka´    xijaab la,aantu waxay sabab utahay "sinada oo badta, rag oo danbaaba oo eeg dumarkii oo bila xijaaba" xijaab la,aantu waa shar duul dulaya´ markaa xijaab la,aanta fool xumad lahi ma mid loo dhawdabaa?///// ,, 

caa,isha (r.c) waxay tiri dumarkii ansaarta illahy ha unaxriisto waayo markii ay soo dagtay ayad ka hadlaysa xijaabka  waxy jeex-jexeen maryahoodii oo ay khimaro kadhigteen "may odhan ayadii wanu maqalnayee intan xijaab soo tolanayno wanu sii xijab la,anaynaa" isla markii ay maqleen ayad waxy bilaabeen inay xijaabtaan.
 
hadab gabdha muslimada waa inay is waydiispo wax xijaaba waayo wax dhici karta inay rali isag noqoto dharkeeda oo ay tiraahdo intaniba waa xijaab "max iga muqda sawnigan asturan" inay tirahda way dhici kartaa
 
hadab waa inad ogataa shuruudah looga bahan yahy ´xijaabka sharcigaa ee illhay inagu wajbiyay´
                               shuruudah xijaabka
1)inuu yahay mid asuturaya jidhka oo dhan marka lag reebo wajiga iyo labda qacmood intooda horre ´oon iyagu kamid ahayn cawrad´ iyag laftoodan inad qarisaa waa sune mustaxbna ah ood ku helaysid ajar iyo wanaag
 
2)inuu noqdo mid qaro leh oon jdhka gabdh lag dhex arkin ´rasuulu s.c.w waxuu tilmaamay´ (dumar dhar gashan oo hadan qaawan) markay culimadu fasirayan xadiiskaas  waxy leyihiin ´waa dumar xidhan maryo khafiifa maryahaas oo jidhkoodu ka dhex muqanaayo´  hadab waa inay mardu noqotaa maro qaro leh oo asturaya jidhka gabdha
 
3)inay mardu tahy mid balaadhan oon kudhagayn xubnah gabdha, waayo marka lagu wajibiyay xijaabka gabdha mah ujeedad in midabka jidhku qarsoomo ee wax weyaan ujeedadu in ´xajmiga jidhka ee ragu kufitnobayaan qorsoomo´
 
4)in aanuu qurux noqon waayo wax loogu talo galay in lagu qariyo quruxda  man banan inay xidhaan gabdha muslimiinta  maryo qurux badan oo dhal-dhalaal leh indha dadkan soo jidanaya. ´lam ogola inad xijaabka kutosho wax dhal-dhalaal leh  sidoo klale niqabka yanu noqon mid midabo kutolan yihiin am dhal-dhalaal oo qurux looga dhawnayo´ xijaabku mah wax lagu xargonayo ee wax loogu talo galy in isga lagu qariyo quruxda. ´hadii gabdhu qurux donayso markay dumarka dhex joogto ama maxrimteeda ha xidhato dhar qurux leh
 
5)in anuu noqon mid lamriyay wax udgoon sida cadarka ama bakhuurka waayo sifadkani waxuu kamid yahy sifadkii ddaka jahiliga ee islamka kahor
"abuu hurayrah r.c wax lakulantay gabdh masajidka ku socota oo udgoon faro badn kasoo baxayo ´waxuu ku yidhi´ adoontii illahyeey ma masjidkad rabtaa?
waxy tiri haa ´waxuu yidhi´ oo ma masjidkad udgoonkan usoo marsatay?
waxy tiri haa ´waxuu yidhi´ orodoo noqo oo soo maydho waxn maqlay rasuulka s.c.w oo leh (majirto gabdh ubaxysa masjidka oo ur udgoon kasoo baxyso. haday jirtan illhay gabdhaa salaad kam aqbalayo) waayo loma bahna qofkii ooo wanaag doonay in uu wadd kadhigto wado xun oo ddaku kufitnoban
waxkaloo rasuulku s.c.w yidhi (majirto gabdh cadar iyo udgoon is marisay oo qoom soo martay si udgoonkeda ay u helaan. haday jirtan waa saniyad)
ficilkasina waa ficilka dumarka xun xun lagu yaqaano.........
 
hadab gabdha muslimad waa inay kadherataa arinka nocasa ´rasuulkenu s.c.w  wuu udiiday dumarka inay masaajidka latgaan iyagoo wax udgoon marsan "cilad iyo sababna waxuu rasuulu s.c.w uga dhigay in arinkasi noqonayo fidno"
hadab hadii lodiiday dumarkii masjidka tagyay inay udgoon is mariyaan. maxad umalynaysaan kuwa xafdah tagya ama suuqyad tagay.
inaad marsato "saabuun" ama aad kaxysato caruur yaryar ood cadar umarisay waxuunbay lamid yihiin  in adiga laftaadi aad marsatay udgoon
 
wax kaloo muhiim ah in dharka ay dumarku xidhanyaan anay u ekaandharka rag waayo (rasuulka s.c.w waxuu nacdalay gabdha gabdha rag isku ekaysiisa sidoo kalle waxuu nacdalay ninka xidha dharka dumarka)
dumrka muslimdkaa maryah ay xidhnayaan yanay u ekaan maryaha dumrka kafiradkaa waayo illahy baa inga mabnuucay in aynu isku ekaano kuwa kufaartaa rasuulkun s.c.w waxuu yidhi ´khilaafa mushrikiinta´
 
dumarka wax u nabd-galyo iyo xifti badan inay guryahooda ku noqdaan oo uwanaagsan hadab walshayy gurigag kabx adigoo bahi adag ama dan kalifaysa inad baxdo kula kulnto waliba adigoo xijaaban xijabka sharcigaa
asxabiyad kamid ahayd dumarkii nabiga s.c.w {sawda bintu samca} ayaa lagu yidhi miyaad xajinayn am cumro ubaxyn ´waxy tidhi sawdi. anigu waan xajiyay wan cumraystay lakiin illhay baa i amray in aan gurigayg ku nagaado ´walaahi gurigayg kam baxaayo illaa an ka dhimnaayo oo jasadkayga lag saro gurigayga , kamany bixin gurigeedii ilaa lag saray jinasdeedii [maydkeedii]
rasuulku s.c.w waxuu yidhi ( illhay waxuu idiin ogolaaday inaad ubaxdaan bahidiina) in ay gabdha muslimada ubaxdo waxn bahi ahayn maha
 c/laahi binu mascuud waxuu yidhi "gabadhu hadii ay kabxdo gurigeeda shaydanka ayaa isku ladha oo dadka ku fitneeya ´waxy odhnaysaa walalhi mid kaste oon wadd kusoo arkay waan cajab galiyay markuu arkay dherer kayga iyo quruxdayda iyo sidan usoconyay´ gabdhu waxy illhay ugu dhawdahay ´buu yidhi c/laahi binu mascuud´ markay gurigeeda laa simto.
wax lobahn yahy sidoo kalle inay dumarku iska illaliyaan kabah dhaa-dheer markay baxyaan waayo waxy sababyaan  in gabdha misankii kalumo deetan ay liic-liicdo. lic-licasina waxuu soo jidanayaa indha rag fitnan wuu sababyaa.
gabdhu markay baxdo waa inay iska illaliso rag inay kula hadsho hadal jilicsan,waayo rag qalbigoodu buko ee imanku qalbigooda ku yaryahay ay damcayaan ;
hadii aya gabdhu xidhan tahy xijaab dheer yanay kor uqadin xajo la,aan waxd arkaysa dumarka oo xijabkooda faydaya xagan ka muqanayan maryahodi hosta eequrxda badnaa ama lugahoodii  ay muqdaan  "hadii xijabku wuu yahy kii sharciga ahaa oonu dherad ku jirin ma jirto wax kalifay inaad kor uqado. hadii marka hore dherad ku jirayna iska jar dheeradka si anad kor ugu qaadin.
rasuulka s.c.w isagoo dumarka waninaya oo kula hadlay ´hadal qalbigooda anfac oo jilciya oo dhaqaajiya xusuusinayan akhiro iyo wax ka horeeya waxu yidhi (dumarkaw wax sadqadysta -- illhay danbi dhaf waydisadkisan faro badiya  waxan idin arkay hadad dumarka tihiin idinka oo ehlu naarka ubadan) dumarkii waxy idhahdeen. rasuulki illahay arinkasi maxu kudhacay.  ´waxuu yidhi´ (waxd faro badisaan cayda, sawjka{ninka} wanaag iyo khayrka uu idiin galo wad dafirtaan oo waxad tirahdaan hadii malin khalad ka dhaco waligab wanaag kam arkin) rasulku s.c.w waxuu tilmamy lab ficil oo dumrku sameyaan sababtodan  narta ku galaan oo ugu bataan, lakiin mah macnaheedu labda ficil oo kaliya way faro badan yihiin  lakiin rasuulku s.c.w waxuu baraarujinya macsida iyo mukhlafdka illhay  sharcigiisa la khilaafa inay tahy ta sababtay in dumrku naarta ku faro btaan´
 
           hadab oo hadab oo hadab
 
dumarku haday wanaag u dhqaaqan oo ay hagagn umada in faro badan ayaa hagagaysa hadii iyagu ay noqdaan kuwo aan wangsanayn oo shar iyo xumaan ka shaqynaya sifadooduna ay tahy in ay mukhalfaad kusameeyan  awaamirta alle  iyo waxuu ina faray rasuulku s.c.w umada jeex baa dagay ama dumay
rasuulku s.c.w waxuu yidhi (fidnadii u horaysay ee reer banii israa,iil dhexdooda ka dhacday ee ay sharciga illhay ka fit-noobeen dumarka aya sabab u ahaa)
rasuulku s.c.w waxuu yidhi (dabday kaman tagin fitno iyo dhibaato raga kaga daran dumarka)  markaa dumarku iyag sabab u ah fitnad rag ku dhcda  badnkooda iyga ayab rag duufsad oo xumnta ugu yeedha "dhinac kalle marka laga eego rasuulku s.c.w. waxuu tilmamay "gabdhu inay tahy mid ninka badli karta  oo hadii wanaag iyo khayr ay ladamcdo ilhayna ( ) uu ku garab galo inay ku gulaysan karto) rasuulku waxuu yidhi s.c.w  (maan arag wax dumrka aqli ahaan uga liita  diin ahana uga daciifsan  oo hadan ka tagsiin iyo badalitaan og. ´ninka aqliga iyo go,aanka usaxibkaa´)
 markaa dumarku haday wanaag doonayaan iyo khayr wax faro badan bay qaban karaan "guryihu dumar bay kudhisan yihiin hadii dumrku hagaago bi,idnilaah guryuhuna way hagagyaan oo caruurta hagaygsa oo rag hagagya xataa hadanay hagagin shar faro badan oy samayn lahyeen in ay kabaaqsadaan ayaa dhacaysa" ´wax muhiim ah  gabdha muslimada ahi inay ku dadsho ´umada inay khayr iyo wanaag usoo kordhiso oo ay ka qayb qadto toosinta umada ´ hadanay sidaas samaynayn ´yaanay umad shar iyo dhibaato usoo kordhin onay kamid noqon masaa,ibta  umada haysata´  
 
 
"illhay waxuu ina faray waa wax maslaxdeena iyo wanaagnu ku jiro"
"illhay waxuu inga reebay waa wax dhibaato inoo leh oon wax tar inoo lahayn"
 
 
ugdbi dhman walalhga aad khayrka la jeceshahay wabilahi tawfiiq 
 
Sawda Qaali

Submit by:-Edit

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comGabooyenewsQarannews.somalidiasporanews.com/SomaliPCtogahererwww.aminarts.com

©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca